Jimco, 5, Jan, 2006 (HOL) Gudoomiyihii hore ee maxkamadii Islaamiga Gobalka Hiiraan Shiikh Faarax Maclin ayeey Ciidmadii dhawaan la wareegay gacan ku heyta Maamulka Gobalka hiiraan ay ka soo qabteen Goob aan la shaacin oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha oo aan ku arkay Gudaha saldhiga Booliska ee Magaalada B/weyn ayaa markii danbe loo qaaday Gurigii uu ka daganaa Magaalada tasoo uu amar ku bixiyay sida la sheegay Taliyaha Ciidamada Gobalka Hiiraan Col. Muqtaar Xuseen Afrax,
Wararka ka soo Baxaya Qaabka loo soo qabtay Shiikh Faarax oo Is bar bar socda ayaa Qaar kood waxaa ay sheegayaan in Gudoomiyaha la soo qabtay isaga oo ku soo jeeda Gudaha magaalada Halka warar kalana ay Tibaaxayaan in ay arkeen Ciidamo kuwo Nabad-galyada ah oo socdaal ku marayay qeybo ka mid ah Gobalka, lakiin warka xoogiisaya ayaa tilmaamya in Shiikh Faarax uu ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho islamarkaana uu ku soo jeeday Gudaha magaalada,
Shiikh Faarax oo hada ku sugan Guriga uu ka dagan yahay magaalada B/weyn ayaa mar aan isku dayay in aan kula hadlo qadka Telfoonka waxaa uu sheegay in hada uusan wax war ah bixin karin islamarkaana, mar kale uu warbaahinta la hadli doono,
Soo qabashada Shiikh Faarax Macalin oo ah mid siweyn dadku u hadal hayo ayaa u muuqata mid sida loo maleynayo aan u adkeyn maadaama loo sii gudbiyay dhinaca Hoygiisa, waxaana wararku ay sheegayaan in sababta gurigiisa loo gudbiyay ay noqon karto kaliya in halkaa amaankiisa lagu ilaaliyo,
Lama hubo in dacwad lagu soo oogi doono maadaama horay ay u sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka in aan mar naba la cafin doonin Xubnihii ku lugta lahaa Abaabulka Maamulkii Maxkamada ee Gobalka hiiraan, waxaase in Qorshaha lagu daro u baahan in Gobalka hiiraan hada uu ka hano qaaday maamul cusub islamarkaana uu jiray Cafis guud oo loo fidiyay dadkii ku lugta lahaa howlaha maxkamadaha walow aan hadana si weyn loo hubin in cafiska ceynkaa oo kale ah ay ku jiraan Xubnaha sida shiikh Faarax oo kale ah.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online