Jimco, January 05, 2007(HOL): Ku xigeenka Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Ayman Al-Zawahiri ayaa cajalad cod ah oo uu soo dhigay Bar Internet oo ay leeyihiin Dagaalyahanno Islaamiyiin ah wuxuu ku sheegay in uu ugu baaqayo dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah in ay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay dalkooda, isla markaana ay ku qaadaan dagaallo la mid ah kuwa ka socda Ciraaq iyo Afghanistan.
Ayman Al-Zawahiri waxaa uu ugu yeeray Soomaalida in ay qaabeeyaan weerarro gaadmo ah oo ay ku qaadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalkooda, isagoo rajeeyay in haddii sidaas la yeelo ay isaga bixi doonaan dalka Soomaaliya, “Wey jebi doonaan Qaadumiinta uu Mareykanka u diray in ay dhintaan”ayuuna ku yiri cajaladdiisa.
Hadalkan uu soo gudbiyay Ayman Al-Zawahiri iyo dhaqanka Soomaalida ee aan looga baran in ay is-miidaamiyaan ayaan la isla jaan-qaadi karin, waxayna dadka qaarkiis sheegeen in Soomaalidu ay yihiin kuwo naftooda jecel oo aan dooneyn in ay is-dilaan.
Intii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa isna farriin cod ah u soo diray Soomaalida Hoggaamiyaha Al-Qaacidda Osama Bin Laden, kaasi oo ugu baaqayay Hoggaankii Maxkamadaha Islaamka in ay dagaal ku qaadaan mas’uuliyiintii Dowladda Federaalka oo xiligaas ku wada sugnaa Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay yihiin kuwo aan dooneyn in shareecada Islaamka dalka lagu dhaqo.
Hadalkaas Osama uu soo saaray waxaa si kulul uga jawaabay mas’uuliyiinta sare ee Dowladda, gaar ahaana Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in Osama Bin Laden uu yahay nin argagixiye ah, isagoo taageerada uu maxkamadaha Islaamka u fidiyayna ku sheegay mid muujineysa in uu jiro xiriirka ka dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka iyo Osama Bin Laden.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, cajaladda baaqa ah ee uu soo diray Ayman Al-Zawahiri ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo habeenkii xalay ahaa uu Magaalada Muqdisho, gaar ahaana Xaruntii Warshadda Hargaha iyo Saamaha uu ka dhacay Qarax aan la garan ciddii ka dambeysay, iyadoo ka sii horna ay Magaalada Muqdisho ka dhaceen labo qarax oo kale oo midkii ugu dambeeyay uu qof ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online