15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay maalinta Sabtida ee soo socota Hubka xoog uga dhigeyso Dadka Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 04, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay maalinta sabtida ah bilaabi doonto howlgal ay ku uruurineyso hubka, iyadoo howlgalkaasina ay wada fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay dowladda go’aankaas qaadatay kadib markii ay dadka ka dhego adeygeen amar ay siisay oo ahaa in ay hubka iska dhigaan, isla markaana ay kala geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho.

 

Wasiir ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay dhamaatay mudadii ay dowladda u qabatay oo seddex maalmood ahayd, ilaa iyo haatanna aysan jirin wax hub ah oo xarumahaas la geeyay, sidaas darteedna wuxuu sheegay in ay dowladda ku qasban tahay in ay xoog hubka ku qaado.

 

Wuxuu intaa ku daray Wasiir ku xigeenka in dowladda Federaalka ay leedahay awood ay hubka ku qaaddo, isagoo xusay in ay awooddaas u sii dheer tahay sida uu u yiri awoodda ciidamada dowladda ay saaxibada yihiin.

 

Maalinta berri ah ayuu sheegay Salaad Cali Jeelle in ay ku darayaan mudadii ay u qabteen dadka Muqdisho inay hubka isaga dhigaan, isagoo sababta ay ugu darayaana ku sheegay in ay dadka Soomaaliyeed iska Jimceystaan oo ay Salaadda Jimcaha tukadaan.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu ka codsaday dadka Muqdisho  ku dhaqan in ay la shaqeeyaan, isla markaana ay u soo sheegaan meelaha uu hubka yaallo, si ay ugu sahlanaato ciidamada dowladda in ay qaadaan, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay maalinta Sabtida ah hubka intiisa badan qaadi doonaan, inta soo hartayna maalmaha kale ee ku xiga.

 

Laakin waxaa la isweydiin karaa mudada ay u qabatay Dowladda Federaalka dadka Muqdisho inay hubka isaga dhigaan ma tahay mid ku filan, waxaa su’aashaasi ka jawaabaya Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegaya in ay mudadaasi tahay mid aan ku filneyn, wuxuuna caddeeyay in marka la qaadayo loo baahan waqti iyo qorshe lagu qaado, walow uu isagu dhowr jeer ku cel celiyay in hubkiisa uu ku wareejinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).