Khamiis, January 04, 2007(HOL): Waxaa dib u soo cusboonaaday isbaarooyinkii ay dhigan jireen Maleeshiyooyinkii ay Maxkamadaha Islaamka lix bilood ka hor hubka ka dhigeen, iyadoo wadada Xamar dhinac Bari uga baxda ee Xeebta marta laga soo sheegayo kooxo Isbaarooley ah oo gaadiidka lacag baad ah ka qaata.
Habeenkii xalay ahaa ayay Koox Isbaaro u taalay agagaarka Galgalato waxay gubeen gaari Xamuul ah oo ku sii jeeday Tuulada Biyo-Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo la sheegay in sababtii ay u gubeen ay ahayd in ay is-rasaaseeyeen ilaalo gaariga la socotay oo ka biyo diiday in ay lacag baad ah bixiyaan.
Gaarigan la gubay oo TM ahaa ayaa waxaa saarnaa Raashin, Noocyo kala duwan leh, Bagaash iyo Shidaal, wuxuuna gubtay kadib markii ay Maleeshiyooyinkii Isbaarada u taalay ay ku dhufteen Xabad RPG ah, halkaasina waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex ruux oo dhaawacooda loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Kaarigii uu u rarnaa Gaarigaas la gubay oo lagu magacaabo Yuusuf Cali Nuur (Yuusuf Qataar) ayaa sheegay in ay maleeshiyooyinka warsadeen lacag ilaa 600 oo Sh. So ah. hayeeshee iyadoo wada hadal u socdo ay ka dul yimaadeen kuwo kale oo sheegtay in iyagana la siiyo Labo Milyan Sh. So ah, taasina ay keentay in ay is-rasaaseeyeen ilaaladii gaariga iyo maleeshiyadii isbaarada u taalay, gaarigiina uu sidaas ku gubtay.
Wadadaas kama jirin wax isbaaro ah oo yaalay xiligii ay Maxkamadaha Islaamka ka talinayeen Magaalada Muqdisho iyo gobollda dalka Soomaaliya qaarkood, halka ay Isbaarada soo dhigteen Maleeshiyooyinkana waxaa joogay xiligaas Ciidamo ka amar qaadanayay Maxkamadaha Islaamka oo kaliya hubin jiray gaadiidka magaalada ka baxaya iyo kuwo soo gelaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online