Arbaco, January 31, 2007(HOL): Shirkan oo muddo labo maalmood ah ka socday Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa madaxdii ka qeybgashay waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan xal u helidda mushkiladaha dalka Soomaaliya iyo tan Gobolka Darfur ee Suudaan.
Marka laga reebo in shirka loogu doortay dalka Ghana in uu guddoomiyo 53-ka dalka ee uu ka kooban Midowga Afrika iyo in ay madaxdii shirka ka qeybgashay ay kulamo gooni gooni ah yeesheen ma jiraan wax la taaban karo oo ka soo baxay Shirkaas oo xal loogu helayo Darfur iyo Soomaaliya.
Shirka waxaa ka qeybgalay madax aan Midowga Afrika ka tirsaneyn oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon, Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Romano Brodi, Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Gargaarka Bani’aadannimada iyo Horumarinta iyo madax kale oo aan Afrikaan ahayn, waxayna dhamaantood ka talo bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa dhibaatooyinka ka jira Gobolka Darfur-Sudan iyo Dalka Soomaaliya oo haatan xaaladdiisa ay taagan tahay meel is-goys oo kale ah.
Soomaaliya shirkan waxay ka faa’iiday baaqyo ah in loo baahan yahay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah deg deg loogu diro, iyadoo ilaa iyo haatanna la xaqiijiyay in ay diyaar yihiin ciidamo afar kun oo gaaraya, kuwaasi oo ka kala imaanaya dalalka
Wadamo kale oo la filayay in ay ciidamo u dirayaan Soomaaliya ayaa deyro ka timid, waxaana ka mid ah dalalka Koofur Afrika, Liibiya iyo Aljeeriya, inkastoo ay sheegeen in ay qaabab kale uga qeybqaadanayaan howlgallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.
Intii uu shirka socday ayuu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ku dhawaaqay in dowladdiisa ay dib u heshiisiin xal ku raadineyso, kadib kulan uu la yeeshay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Gargaarka Bani’aadannimada iyo Horumarinta Mr. Louis Michel, iyadoo hadalkaasna ay si weyn u soo dhaweeyeen madaxdii shirka ka qeybgashay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online