12.1 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shir dib u heshiisiineed lagu qabanayo gudaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 30, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo magaalada Addis Ababa uga qeybgelaya kulan ay halkaasi ku leeyihiin madax ka tirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qabaneyso shirweyne dib ugu heshiisiineed oo lagu soo af-jarayo dhibaatada Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayaan Hoggaamiyayaasha Qabaa’illada iyo kuwa Culumaa’udiinka.

 

Hadalkan waxaa shaaciyay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Gargaarka Bani’aadannimada iyo Horumarinta Mr. Louis Michel kadib markii uu kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna sheegay Louis Michel in uu si weyn u soo dhaweynayo fikirka Madaxweyne Yuusuf ee ku aadan qabashada shir dib u heshiineed oo gudaha dalka dhaca.

 

Louis Michel ayaa horay u sheegay in 19 Milyan oo Doollar oo uu Midowga Yurub ku bixin lahaa Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee la geynayo Soomaaliya ay ku xiran tahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed furto wada hadallo la isugu soo dhaweynayo Soomaalida. Shuruuddaas uu ku dhawaaqay Mr. Louis Michel si waxaa si weyn uga carootay Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay shaqeyn karto taageerada Midowga Yurub la’aantiis.

 

Louis Michel waxaa uu sheegay in dib u heshiisiinta ay dowladda geleyso ay qeyb ka noqon doonaan Hoggaamiyayaasha Qabaa’illada, Xubno ka socda Jaaliyadaha Dibadaha, Xubno Bulshada sumcad ku dhex leh, qeybaha siyaasadda, Maamullada Culumaa’udiinka ee la aaminsan yahay in ay ka dambeeyaan qalalaasaha iyo falalka argagaxa leh ee dalka ka dhacaya, wuxuuse sheegay in meel marinta arrintaas ay adag tahay balse ay beesha Caalamka taageero mug leh ku bixin doonto.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo isna kulankaas kadib saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay isaga iyo Louis Michel ay isku af-garteen waxyaabihii ay ka wada hadleen, wuxuuna sheegay in ay ku heshiiyeen in ay wada shaqeeyaan “Qof kasta oo nabad doonaya waa muwaadiniinteena, waxaana  diyaar u nahay in aan la shaqeyno”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Dowladda Mareykanka, Itoobiya, Talyaaniga iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wada hadallo la furto qeybaha kala duwan ee Soomaalida oo ay xitaa ku jiraan qunyar socodka Maxkamadihii Islaamka, si dowladda Federaalka ay u noqoto mid loo dhan yahay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).