12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Musharixiinta dooneysa qabashada Jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka oo maanta qudbooyin laga dhegeysanayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 30, 2007(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Baydhabo ku dhegeysanayaan qudbooyin ay u jeedinayaan 11 musharax oo u tartamaya jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo soo bandhigi doono Taariikh Nololeedkooda iyo sababta ay u doonayaan in loo doorto xilkaas.

 

Musharixiintaas 11-ka oo dhamaantood ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle waxaa kuwa ugu cad cad ka mid ah Saalim Caliyow Ibrow, Shiikh Aadan Madoobe, Shiikh Aadan Mader iyo Ibraahim Kiish-buur, waxaana si weyn loo hadal hayaa in ay ugu dambeynta tartanka isugu soo hari doonaan Shiikh Aadan Madoobe iyo Saalim Caliyow Ibrow.

 

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii ay Xildhibaanada Baarlamaanka xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, walow uu guddoomiyaha Baarlamaanka sheegay in aan xilka looga qaadin qaab sharci ah.

 

Xil ka qaadistii lagu sameeyay Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaanan soo dhaweynin oo dhaliilay qaabkii ay xil ka qaadistiisa u dhacday Midowga Yurub oo mas’uul sare oo ka tirsan uu ka dhawaajiyay in Baarlamaanka Soomaaliya laga doonayo in xilkiisii loo soo celiyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, hadalkaasina waxaa si kulul uga jawaabay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo sheegay in aaney awood u lahayn Midowga Yurub in ay faragelin ku sameeyaan shuruucda u degsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).