Talaado, January 30, 2007(HOL): Dalalka Afrika ee laga doonayo in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan kuwo dalabkaas dib u gurasho ka sameynaya oo aan dooneynin in ay si toos ah ugu lug yeeshaan arrimaha ciidamo u dirista Soomaaliya.
Dowladaha Koofur Afrika iyo Liibiya ayaa waxay u sheegeen in aysan Soomaaliya ciidamo u direynin balse ay si kale uga qeyb-qaadanayaan howlgalka nabad-sugidda ah ee laga fulinayo Soomaaliya, waxaana ku soo xigsatay Dowladda Aljeria oo sheegtay in aysan ciidamo direynin balse uu kaalinkeedu noqon doono in ay fududeyso sidii ay Soomaaliya ku gaari lahaayeen Ciidamada Dalalka Uganda iyo Ruwanda.
Ilaa iyo haatan waxaa diyaar ah oo sheegay in ay Soomaaliya ciidamo geynayaan Dalalka Uganda, Nigeria, Malawi iyo Ghana, kuwaasi oo la sheegayo in ay Soomaaliya tegi doonaan todobaadka ugu horeeya ee bisha soo socota.
Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna waxay sheegtay in ay Ciidamada Afrikaanka ah ee ka howlgelaya Soomaaliya ay ka caawin doonto dhinaca Cirka haddii ay taasi uga baahdaan, waxaana hadalkaasi shaaca ka qaaday Jendayi Frazer oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika kadib kulan ay magaalada Addis Ababa kula yeelatay Guddoomiyaha Midowga Afrika Prof. Alpha Omar Konnare.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online