12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Meles Zenawi oo ka digay in ay dib isu uruursadaan Maxkamadihii Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 29, 2007(HOL):Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Meles Zenawi oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in ay Maxkamadihii Islaamka oo awoodoodii Mileteri ahaan la wiiqay ay dib isu uruursan karaan haddii  aan deg deg loo meel marin dib u heshiisiin dhexmarta qabaa’illada Soomaalida.

 

Meles Zenawi waxaa uu sheegay in dagaalkii Maxkamadaha Islaamka iyo Ciidamada dalkiisa dhexmaray ay ka qeybgaleen boqolaal dagaalyahanno Ajnabi ah oo badankood ka yimaadeen wadamada Bariga dhexe, isagoo caddeeyay in dagaalkaas lagu dilay 4000 oo dagaalyahanno Islaamiyiin ah, halka uu sheegay in tiro intaas ka badan lagu dhaawacay

 

Meles Zenawi waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Eretereya oo dalkiisa cadaawad kala dhaxeyso ay Soomaaliya u dirtay boqolaal Ciidamo ah, Hub iyo La-taliyayaal Mileteri, hayeeshee Dowladda Eretereya ayaa dhowr jeer waxay beenisay in ay taageero Mileteri siisay Maxkamadihii Islaamka.

 

Si aaney Soomaaliya ugu noqon qaskii iyo fowdadii waxaa uu Meles Zenawi ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay dhameystirto dib u heshiisiintii Qabaa’illada Soomaalida oo horay colaad ay u dhexmartay, wuxuuna sheegay in qabaa’illada qaarkood aysan ku qanacsaneyn Dowladda Federaalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Qabaa’illadaas wada hadal laga galo.

 

Meles Zenawi oo dalkiisa uu martigelinayo shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlayo ciidamo 8000 gaaraya oo dalalka Midowga Afrika ay Soomaaliya u dirayaan ayaa  waxaa uu sheegay in ay Ciidamadiisa seddex meelood iyo hal meel ay bilaabeen in ay Soomaaliya ka baxaan, halka inta hartayna uu caddeeyay in ay iyana dhaqsi ka bixi doonaan Soomaaliya kadib markii ay dhameysteen howlgalladii ay Soomaaliya u tageen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).