12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wariyayaal la socday oo saakay shil gaari ku galay Wadada isku xirta Xamar iyo Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 29, 2007(HOL): Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) iyo wariyayaal Soomaali iyo Ajnabi isugu jira ayaa saakay shil gaari ku galay inta u dhaxeysa Deegaanada Wanla-Weyn iyo Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Shilka gaari ayaa yimid kadib markii uu gaariga ay saarnaayeen wariyayaasha iyo C/raxmaan Diinaari uu si lama filaan ah uga soo hor baxay Dameer xarigii ka soo goostay Gaarigii uu jiidayay oo Bal uu ku rarnaa.

 

Wariye Maxamed Cabdulle Siidi oo ka mid ah Wariyayaasha Website-yada Somaliweyn iyo Somalinet, isla markaana wade ka ahaa gaariga qalibmay ayaa wuxuu HOL u sheegay in uu shilkaas dhaawac fudud ka soo gaaray isaga iyo C/raxmaan Diinaari, balse Wariye u shaqeeya Taleefashinka Nation ee dalka Kenya, kaasi oo gaariga ka baxay intii uu sii rogmanayay.

 

Wariye Siidi waxaa uu intaas ku daray in Afhayeenka Xukuumadda iyo Wariyaha u shaqeynayay Nation TV loo qaaday magaalada Nairobi, isagoo caddeeyay in intii kale ee gaariga saarneyd ay soo gaareen dhaawacyo fudud, isla markaana ay safarkooda sii wateen, halka Afhayeenka iyo Wariyaha ka socday Nation TV dib loogu celiyay magaalada Muqdisho si Nairobi loogu dhoofiyo.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka C/raxmaan Diinaari iyo wariyayaashan ayaa waxay qeyb ka ahaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo Baydhabo ku sii jeeday, iyagoo saakay aroortiina ka amba baxay magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa la sheegay in uu magaalada Baydhabo u tegay sidii uu uga qeybgeli lahaa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmaha soo socda dhaceysa iyo sidoo kale sidii uu ugu fududeyn lahaa wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsanaa oo xilalkii ay hayeen iska casilay, si ay uga mid noqdaan musharixiinta u tartameysa jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).