12.5 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Inj. Suudaan Cali Axmed oo sheegay in jir dil loo geystay 8 Nin oo dhawaan Ciidamo Itoobiyaan ah ay kala baxeen guri ku yaala Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 29, 2007(HOL): Guddoomiyaha Xarunta Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa sheegay in 8 Nin oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah kala baxeen guri ku yaala agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho si xun loo jir-dilay.

 

Inj. Suudaan waxaa uu sheegay in 8-daas nin oo 6 ka mid ah ay ilaalo ka ahaayeen Xarunta Elman laga garaacay Xiniinyaha iyo Feeraha, dhaawacyo muuqdana ay ku yaaliin jirkooda, wuxuuna cambaareeyay falkii lagula kacay raggaas.

 

Raggan oo la soo daayay shalay galab ayaa intii ay xirnaayeen waxaa uu sheegay Suudaan Cali Axmed in aan la siin jiray Raashin, isla markaana ay raashin ahaan u cuni jireen Buskud dhulka loogu daadiyay.

 

“Waxaa la weydiinayay intii ay xirnaayeen ma taqaanaan sida loo isticmaalo hubka, Baasuuke ma ridi taqaanaan, Bambo m atuuri taqaanaan, sheeg Al-Shabaab iyo Maxkamadihii xiriir ma idinka dhaxeeyay iyo su’aalo kale, iyadoo looga digay in ay ka warbixiyaan sidii loola dhaqmay”ayuu yiri Inj. Sudaan Cali Axmex oo sheegay in raggaasi la sii daayay kadib markii wax dembi lagu waayay.

 

Inj. Suudaan ayaa markii raggani la kaxeysanayay waxaa uu sheegay in loola dhaqmay si ka soo horjeeda xuquuqda aadanaha, isla markaana markii la kaxeysanayay aysan qaarkood qabin dhar jirkooda wada astura aysan qabin.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka Dad Soomaaliyeed kala baxaan guryahooda oo Muqdisho ku yaala, waxayna dhawaan kala baxeen guri ku yaala Degmada Huriwaa labo nin, kuwaasi oo aan la ogeyn ilaa iyo haatan halkii ay la aadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).