Isniin, January 29, 2007(HOL): Faarax Wehliye Caddow Sendiko oo ka mid ah Siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee isu soo taagay in ay qabtaan jagada madaxweynenimada Soomaaliya markii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka ayaa ka hadlay xaaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Faarax Sendiko oo isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in haddii aaney dowladda Federaalka dib u heshiisiin xal ku raadin oo aaney la hadlin maxkamadihii Islaamka uu dalka Soomaaliya noqon doono Ciraaqdii labaad.
Faarax Sendiko wuxuu sheegay in uu taageerid mudan yahay hadal uu dhawaan sii daayay Ra’iisal Wasaare Geedi, kaasi oo ahaa inay Dowladda Federaalka la hadleyso Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuse sheegay Faarax Sendiko in laga wanaagsan yahay in ay dowladda mas’uuliyiinteeda qaar ku dhaqmaan madax adeyg isla markaana ay isku haleynayaan Ciidamo shisheeye.
Hadalka Faarax Sendiko ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Idaacadda BBC-da uu sheegay in aysan Dowladdiisa lahayn wax mucaarad ah oo ay dhamaadeen awoodihii Maxkamadihii Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka sano, waxa Dowladda u harayna ay yihiin heshiisiinta Qabaa’illadii is-dilay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online