Isniin, January 29, 2007(HOL): Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Siyaasadda iyo Nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey ayaa shaaca ka qaaday in ay wax ka qabanayaan xaaladaha
Ibraahim Shaaweey waxaa uu sheegay in falal nabadgelyo darro oo beryahan ka dhacayay magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan kooxo doonaya in ay qal-qal geliyaan Nabadgelyada Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in saacadaha soo socda ay wax ka qaban doonaan nabadgelyo xumida jirta.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ay horay kulamo ku saabsan sugidda nabadgelyada ula yeesheen Odayaasha iyo waxgaradka beelaha ku hubeysan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay kala hadleen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada, hayeeshee waxaa uu sheegay in aysan taasi waxba ka soo naasa-cadaanin, haatan wixii ka dambeeyana ay tahay inay gacan bir ah ku qabtaan dadka ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah, isagoo shacabkana ka codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda si ay ammaankooda u sugto.
Hadalkan uu sii dayay Ibraahim Shaaweey ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid lagu weeraray Bambo gacmeedyo, sidoo kalena habeen hore weerarro lagu qaaday Saldhigyada Booliska Howl-Wadaag iyo Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho, iyadoo weeraradaasina ay ahaayeen kuwo abaabulan oo ay fuliyeen kooxo aad u hubeysnaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online