Axad, January 28, 2007(HOL): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro hubeysan oo xalay lagu qaaday Saldhigyada Booliska Howl-wadaag iyo Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ay weerarkaas geysteen kooxo hubeysan oo ku labisan dharka Ciidamada Dowladda federaalka, halka ay dad kalena sheegayaan in ay dadkaasi qabeen dhar caadi ah.
Guddoomiyaha Degmada Wardhiiglry Xasan Cali Maxamed Xashaash ayaa sheegay in kooxihii hubeysnaa ee xalay weeraray Saldhigyadaas ay wateen labo gaari oo kala ah Mark II iyo gaari kale oo TOYOTA ah, isla markaana ay ku labisnaayeen dharka Ciidmada Dowladda Federaalka,wuxuunta intaas ku daray Guddoomiyaha in kooxahaas lagu raad joogo, ayna baarayaan halkii ay ka yimaadeen Ciidamada Sir-doonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Saldhigga Booliska Degmada Wardhiigley G/lle C/raxmaan Ugaas ayaa sheegay in Weerarkii xalay lagu qaaday Saldhiggooda uu ahaa mid aad loo soo qorsheeyay, wuxuuna caddeeyay in loo adeegsaday hub aad u culus oo raadadkii uu reebay laga arki karo gudaha Saldhigga. Taliye ku xigeenka waxaa uu sheegay in uusan Saldhigooda lahayn gaadiid ay ku howlgalaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay gaari lahaan lahaayeen ay raacdeysan lahaayeen Dadkii soo weeraray.
Ugu dambeyntiina Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa sheegay in weeraradii lagu qaaday Booliska Soomaaliyeed ay ka dambeeyeen kooxo Nabadda diidan oo ay Maxkamadihii Islaamka abaabulayaan, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada Booliska oo ammaankooda sugaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online