13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Banaanbax looga soo horjeeday Maamul ay Dowladda Federaalka u magacawaday Gobolka Sh/Dhexe oo Jowhar ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 28, 2007(HOL): Banaanbax looga soo horjeeday Maamulka cusub ee ay dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Jowhar.

 

Dadkii banaanbaxaas ka qeybgalay ayaa waxay ku qeylinayeen dooni meyno maamul aan cadaalad ahayn, dooni meyno daneysi ah iyo ereyo kale, waxayna socdaallo ku mareen afarta Xaafadood ee magaalada Jowhar.

 

Maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sida loo xulay xubnahiisa waxaa cabasho ka muujinaya Beelaha Gaal-jecel iyo Shiidle, halka Beesha Xawaadle oo wax ka degta Gobolka Shabeelaha Dhexe-na aanba lagu soo darin xubnaha maamulkan, iyadoo taasina uu cadaalad darro ku tilmaamay Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shalay saluugay qaabka loo soo magacaabay maamulka cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa hadana wuxuu xalay sheegay in uu maamulka cusub ku wareejinayo xilkii uu gobolka ka hayay, walow uu sheegay in aan wax la tashi ah lagala sameynin maamulka lagu bedelay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).