13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in aaney dowladdiisa lahayn wax mucaarad ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 28, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa aysan lahayn wax mucaarad ah, isla markaana waxa hadda u harsan ee ay la hadleyso ay yihiin qabaa’illadii Soomaalida ee is-dilay, sida uu hadalka u dhigay.

 

Wuxuu intaas ku daray in ay meesha ka baxeen Maxkamadihii Islaamka iyo Hoggaamiye Kooxeedyadii 16-ka sano, sidaas darteedna aysan dowladda Federaalka lahayn wax ka soo horjeeda oo ay la hadleyso.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay dhamaadeen shirarkii dib u heshiisiinta Siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in arrimahaas lagu dhameeyay shirkii dib u heshiisiinta ee mudada labada sano ahayd ka socday dalka Kenya, waxa u harsanna ay yihiin heshiisiinta Qabaa’illadii is-dilay.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah oo ka tirsan Qaaradda Afrika, kuwaasi oo uu madaxdooda kala soo hadlayay sidii ay Soomaaliya ugu tabaruci lahaayeen ciidamo nabad ilaaliyayaal ah ayaa wuxuu magaalada Addis Ababa uga qeybgelayaa shir ay leeyihiin Madaxda Midowga Afrika, kaasi oo looga arinsanayo arrimo ay ka mid tahay ciidamo u dirista Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).