Axad, January 28, 2007(HOL): 16 sano kadib ayaa maanta waxaa ka muuqda ifafaale wanaagsan iyo rajo Dowladnimo gudaha soomaaliya, balse rajadan ayaa waxay tahay mid u baahan xanaano iyo koris waxaa lagu tilmaami karaa sidii ilmo dhashay.
Dowladda Federaal Soomaaliya waxay noqotay dowladdii ugu nasiibka badneyd Dowladihii soomaaliya soo marey mudadii 16 ahayd ee bur-burka dalka ka jiray, iyadoo inta badan Gobollada dalka ay ciidamo u joogaan meeshii ay doonaan haka yimaadeen, sidoo kale waxay noqotay dowladda kaliya ee fariisatay Villa Somalia 16kii sano ee tagtay, sidoo kale waxay noqotay Dowladdii taageerada ugu weyn ka heshay UNka.
Shacabka maxay Dowladda uga baahan yihiin?
Shacabka soomaaliyeed waxay Dowladda uga bahanyihiin in ay keento Nabad, Dibu-heshiisiin, dib u dhis lagu sameeyo adeegyadii ku burburay dagaallada iyo garsoor caddaalad ah, intaas haddii ay meel mariso DFKM ah waxay shacabku ka sugayaan dhab ahaantii waxay heleysaa kalsooni fara badan.
Nabadda oo wax laga qabto waa sheyga ugu weyn oo ay sugayaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ugu baahida badan ee ku dhaqan Gobollada Koofurta iyo Bartamaha .
Dib-heshiisiin oo la dhex dhigo beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha iyo heshiis ay dowladu la gasho maxkmadihii Islaamka waa arrimaha looga fadhiyo in ay dowladu fuliso hadii ay rabto in ay hesho taageerda shacabkeeda oo dhan, si mustaqbalka Soomaaliya loo hagaajiyo. Sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed waxay dowlada uga bahanyihiin in ay soo celiso dhamaan adeegyada bulshada iyo shaqo abuuris in ay u sameyso shacabkeeda.
Dowladu maxay shacabka uga bahan tahay?
Run ahaantii dowlad aan shacabkeeda kalsooni ka haysan dowlad ma ahan inkastoo Dowlada Federaalka Soomaaliya ay hadda haysto taageerayaal badan hadana waxaa laga yaabaa in ay is-dhinto taageradeeda haddii aan shacabka wax loo qaban, iyadoo ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda siyaasaddeeda.
Dowladdu waxay shacabka uga baahantay in ay taageeradooda hesho mucaarad iyo muxaafidba si uu nidaamkeeda u socdo, sidoo kale dowladdu waxay shacabkeeda uga baahantay in ay kala shaqeeyaan dib u dhiska dalka, dowladdu waxay shacabka uga baahan tahay gaar ahaan ganacsatada in ay bixiyaan canshuurta si ay wax ugu socodsiiso.
Muddo dheer Soomaaliya waxay ahayd dowlad la,aan iyadoo dadkii ku barbaaray iyo kuwii ku dhashay ay hadda yihiin qeyb muhiin ah oo shacabka ku jira, kuwaasi oo aan garaneynin waxa dowlad tahay, tusaale ahaan wiilkii jirey 10 sano sanadkii 1991 maanta wuxuu jiraa 26 sano weligiisna ma arag dowlad, dadkaas dowladda waxay uga baahan tahay sidii ay u kasban lahayd.
Dangarad Xaaji