Axad, January 28, 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in xilkii uu ka hayay gobolka Shabeelaha Dhexe uu ku wareejinayo Maamul ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolkaas.
Maxamed Dheere oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hadalkan bixiyay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisii ay shalay ka hor istaageen xubnaha cusub ee Gobolka loo magacaabay in ay fariistaan Xarunta Gobolka, wuxuuna Maxamed Dheere sheegay in sababta is-hortaagga loogu sameeyay ay ahayd iyadoo aaney xubnahaasi ula imaanin wax muujinaya in gobolka loo soo magacaabay.
Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed (Maxamed Dheere) oo muddo shan sano ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu sheegay in aan lagala tashan amaba xitaa aan lagu wareglin xubnaha loo soo magacaabay Gobolka, wuxuuna caddeeyay in haddii ay taasi garatay Dowladda Federaalka uu xilka ku wareejinayo xubnaha cusub, hayeeshee uusan la shaqeyn doonin.
Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Dheere waxaa uu ka hadlay abaalkii uu u galay dowladda Federaalka iyo sida ay ugu guday, “Waxaan ahaa ninkii Dowladda dalka keenay iyadoo la leeyahay lama keeni karo, isla markaana muddo sanad ku dhow ku hayay Magaalada Jowhar, ka sii horna iyadoo xaalad is-mari waa’ ah uu taagan yahay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida xilkiisii ka tanaasulay, sidoo kalena haatan hubkiisii ku wareejiyay Dowladda Federaalka, sidaas darteed ma fileynin in ay Dowladda Federaalka sidaas yeesho”ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere ayaa intii uu ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu ka dhigay mid ammaan ah oo leh adeegyada ay dadka u baahan yihiin sida Isbitaallo, Dugsiyo Waxbarasho, Saldhigyo Boolis, Xabsiyo iyo Maxkamado, inkastoo dadku ay ku dhaliili jireen lacag canshuur ah oo uu maamulkiisii ka qaadi jiray, taasi oo dadka ugu muuqatay mid aaney xamili karin, hadana marka docda kale laga fiiriyo ahayd mid adeegyadaas lagu socodsiinayay.
Dhanka kalena Maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa sida loo magacaabay cabasho ka muujinaya Beelaha Lixda Shiidle iyo Gaal-jecel oo gobolkaas wax ka dega, kuwaasi oo sheeganaya in lagu sameeyay sed-bursi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online