13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Kooxo hubeysan oo caawa weerar ku qaaday labo Saldhig Boolis oo Muqdisho ku yaala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Kooxo hubeysan ayaa caawa weerarro abaabulan ku qaaday labo saldhig boolis oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Boolis ah oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Saldhigyada Booliska Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley ayay kooxaha hubeysan la beegsadeen weerarro xooggan oo ay u dhaxeysay muddo daqiiqado ah.

 

Saldhigga Booliska Howl-wadaag ayaa waxaa weeraray kooxo hubeysnaa oo watay Gaari Mark II, kuwaasi oo gudaha saldhigga ku riday labo gantaal oo laga riday Qoriga RPG (Baasuuke), iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen dad rayid ah iyo qaar ka mid ah Askartii Booliska ahayd ee halkaas ku sugneyd.

 

Sidoo kalena Saldhigga Booliska Wardhiigley ayaa weerar midkaas la mid ah lala beegsaday, waxaana muuqatay in ay labada weerarba ay ahaayeen kuwo qorsheysnaa oo lagu bar tilmaameedsanayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Weeraradan caawa lagu qaaday labadaas Saldhig ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo habeenkii xalay ahaa lagu daadiyay agagaarka Saldhigga Booliska Howl-wadaag warqado ay daadiyeen dad isa soo qariyay, waxaana warqadahaas ku qornaa hanjabaado loo jeedinayay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo sida ku qornaa warqadahaas dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Marka la eego nooca ay u dhacayaan weerarada lagu qaadayo Saldhigyada Booliska Dowladda Federaalka iyo weerarro lagu qaaday Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kuu soo baxaya sawir la mid ah midka ay Magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq ka fuliyaan kooxaha muqaawamada ah ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Mareykanka ee Dalka Ciraaq.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weeraradan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo weliba kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna dad badan is-weydiinayaan waxa ay Dowladda gacanta ugu dhigi la’ dahay ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).