14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay heyso nin looga shakiyay in uu ka dambeeyay Madaafiicdii lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti,
January 27, 2007(HOL): Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntii Nabad-sugidda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay Madaafiic dhawaac lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen in ay wax ka qabtaan xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo habeennadii iyo maalmihii aynu ka soo gudubay sii xumaaneysay.

 

Dhanka kalena C/raxmaan Diinaari waxaa uu xaqiijiyay in maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 23 maxbuus oo ay Dowladda Kenya u soo gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuse ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo heerarka ay isugu jiraan maxaabiistaas oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka, inkastoo uu caddeeyay in ay saxaafadda u soo gudbin doonaan marka Liiskooda loo soo gudbiyo.

 

Magaalada Muqdisho ayaa labadii habeen ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal dil ah oo loo geysanayay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo Xaafadaha Muqdisho qaarkoodna Madaafiic lagu weeraray tiiyoo la sheegayo in madaafiicdaas loola dan lahaa Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).