Sabti,
Xafladdaas ayaa waxaa ka qeybgalay Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale, Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, Fannaanka Axmed Cali Cigaal, xildhibaano Mareykan ah, Safiirka
Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Dr. Cilmi Axmed Ducaale oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka qeybgalo xaflad lagu taageerayo dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in uu ku laaban doono Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, kadibna uu dadaal u geli doono sidii Soomaaliya loogu de-dejin lahaa Mucaawinooyin horay loogu ballanqaaday.
Ra’iisal wasaare Geedi oo qadka Taleefoonka uga qeybgalay Xafladdaas ayaa u sheegay dadkii Soomaaliyeed ee dhegeysanayay in looga baahan yahay in ay taageeraan dowladda Federaalka, isla markaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska dalka. Mar uu ka hadlayay arrimaha dib u heshiisiintana waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka cid kasta soo dhaweyneyso, marka laga reebo dadka dembiyada gala oo Caalamka uu raadsanayo.
Waxaa isna ka hadlay xafladdaas Abwaanka Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub oo sheegay in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay dib u heshiisiin iyo in umadda Soomaaliyeed la isu doono, isagoo meesha ka saaray in cid si gaar ah hoosta wax u gashato, “haddii aan heshiin weyno cid kasta wey noo imaan kartaa, annaga ayaana dhibaatada isu keenay”ayuu yiri Abwaan Sangub oo ka hadlayay faragelinta ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ku sameeyay dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo socdaallo ku kala bixinaya Dalal ka tirsan Qaaradda Afrika ayaa la filayay in uu isna qadka Taleefoonka uga qeybgalo xaflaadaas, hayeeshee taasi ma aysan suurtagelin sabab la xiriirta madaxweynaha oo safarro ku mashquulsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online