14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Maamul cusub oo loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo maamulkii hore oo magacaabistaas ka soo horjeesay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maamul cusub u magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu horay uga talin jiray Maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisal wasaaraha uu magacaabistaas sameeyay kadib markii uu la tashaday dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe, isla markaana uu qiimeeyay baahida ay dadka gobolkaas u qabaan maamul maareeya adeegyadooda bulshada.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ayuu Ra’iisal Wasaare Geedi u magacaabay Maxamed Cumar Deelle, ku ixgeennadiisana waxaa loo magacaabay Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) iyo Cusmaan Cabdulle Caqiil, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Jowharna loo magacaabay Maxamed Cabdi Miirkow, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Cabdi Ibraahim Aadan (Jahawareer), Abuukar Cusmaan Raage.

 

Markii ay magacaabistaas shaacisay Dowladda Federaalka, isla markaana ay xubnihii maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe loo magacaabay ay gaareen Magaalada Jowhar ayaa waxaa is-hortaag ku sameeyay xubno ka tirsan Maamulkii horay uga ariminayay Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna Xoghayaha maamulkii Maxamed Dheere ninka lagu magacaabo C/llaahi Wehliye Caadle uu ku dooday in aaney diyaar u ahayn in ay ku wareejiyaan maamulka cid aan wadan wareegto caddeyneysa in loo soo magacaabay Gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ku goodiyay in haddii aaney warqaddaas la imaan ay Magaalada Jowhar ka ceyrin doonaan.

 

Guddoomiyaha Maamulkii hore ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo haatan la sheegayo in uu Muqdisho ku sugan yahay ayaa horay u sheegay in uusan aqbali doonin maamul dikreeto lagu soo magacaabo, wuxuuna sheegay in uu qabo in madaxda maamulka Gobolka ay soo doortaan dadka Gobolka. Maxamed Dheere ayaa dhawaan hubkiisii iyo maleeshiyooyinkiisii badankood wuxuu ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Waa Maamulkii labaad oo  ay Dowladda Federaalka magacawdo, isla markaana uu is-qabqabsi ka dhasho tan iyo markii ay la wareegtay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, waxaana horay isu qab-qabsaday xubno ay Dowladda Federaalka u magacawday Maamulka Gobolka Hiiraan iyo xubno horay uga talin jiray Gobolka Hiiraan, inkastoo mar dambe mushkiladdaas xal loo helay oo xubnihii maamulkii hore ay tanaasuleen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).