14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Agaasimaha shirkada warbaahinta Somalitvinternet oo sheegay in ay hawada si rasmi ah u soo galayaan labo bilood & bar tijaabo ah kadib

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Agaasimaha shirkada warbaahinta Somalitvinternet.com Cabdullahi Nuur Maxamed (Colombo) ayaa shaaca ka qaadey kadib markii muddo labo bil iyo bar ah  ay si tijaabo ah hawada ugu jireen in ay si rasmi ah dhawaan u bilaabeen baahinta warar iyo barnaamij-yo kala duwan oo maqal iyo muuqaal ah lagana daawan karo caalamka oo dhan qeybta internetka.

 

Cabdullahi Colombo oo faah-faahin ka bixiyey aasaaska shirkadan warbaahinta Somalitvinternet ayaa yiri “Somali Television Internet (STI) waa shirkad la asaasey bishii July sanadka 2006, waxaana ay ka mid tahay qeybaha warbaahinta Soomaaliyeed ee cusub, shirkadan waxaa maal-gashadey ganacsato Soomaaliyeed oo la kaashadey dad khibrad dheer u leh hawlaha warbaahinta Soomaliyeed, waxaana shirkada sababaha loo aasaasey ay tahay in dadka Soomaliyeed kuwa qurbaha ku nool iyo kuwa dalka Somalia jooga iney ka haqab tirto warar iyo barnaamijyo xiiso leh Tafaftir weyn-na lagu sameeyey.

 

Kolombo wuxuu sheegay in qaabka ay dadka arrimahaas oo dhan ay kaga bogaan karaan ay tahay in barnaamijyo maqal iyo muuqaal ah ay ka daawan doonaan qeybta internetka adduunka oo dhan. “Waxaa Somalia wararka iyo barnaamijyada si toos ah uga soo diri doona filim qaadayaal iyo wariyeyaal shirkada u shaqeeya kuwaas oo lagu xuley aqoontooda iyo kartidooda” ayuu yiri Kolombo, wuxuuna intaasi sii raaciyey

 

” Siyaasadda ama waddada ay ku shaqeyneyso shirkada warbaahinta Somali Television Internet waxa ay tahay mid ka madax banaan dhammaan arrimaha siyaasadda Somalia ka jira, iyadoo qolo gaar ah aan u adeegi doonin mar kastana wararka iyo barnaamijyada ka baxaya ay noqon doonaan kuwa dhex dhex dhexaad ah si weyna loo Tafaftirey, shirkadan xarunteeda waa wadanka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis iyadoo xarumo isugu jira Studio iyo xafiisyo ku leh gobollada Mareykanka iyo meelo kale oo caalamka ah, waxey shirkaddan warbaahinta ah soo dhaweyneysaa dhamaan talooyinka iyo fikradaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Nuur Colombo oo ah Wariye ay Soomaalida si weyn u taqaano isla markaana lagu xusuusto Barnaamijkii Ciyaaraha ee ka bixi jiray Radio Mogadishu xiligii Dowladdii hore.

 

Kala xiriir Halkan mas’uuliyiinta

Somali Television Internet (STI)

info@somalitvinternet.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).