14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Halkee mareysaa Xiisaddii Colaadeed ee ka taagneyd Dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya Degmooyinka Maxaas iyo Ceel Buur?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Inkastoo waqtigan uusan jirin wax dagaal ah oo ka jira dhulka Miyiga ah ee u dhaxeeya degmooyinka Maxaas iyo Ceel-buur, ayaa hadana wararka laga helayo deegaanada hoos yimaada degmooyinkaas waxaa ay sheegayaan in uu jiro kala shaki iyo xiisado ka dhax oogan dhinacyada colaadu u dhaxeeyso ee ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

 

Sida laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ku kala sugan labada Gobol ayaa sheegaya in marka laga soo tago colaada taagan labada dhinac waxgaradkoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo u muuqda kuwo la doonayo in lagu baajiyo in mar kale dirir xoog lihi dhacdo.

 

Dhinaca gobalka Hiiraan ayaa tallaabooyinka colaad joojinta ah waxaa durbaba bilaabay xubnaha labada Gole ee ka tirsan dowlada federaalka ee dhawaan soo gaaray gobalka kuwaasoo wada hadalo iyo la tashiyo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaadda la leh maamulka heer Gobol iyo degmo, si markaas arinta hal meel looga wajaho.

 

Wasiirka wasaarada waxbarashada C/raxmaan Cabdi Waarre oo ay HOL arimahaas wax ka weydiisay ayaa sheegay in tallaabada ugu horeysa ee wafdigu qaadayo ay tahay joojinta wax kasta oo u muuqda in colaadi ka dhalan karto, waayo ayuu yiri xiligan ma aha waqti mar kale dib loo milicsan karo colaaddii la soo maray 16 sano ee la soo dhaafay, waxaana uu wasiirku intaas ku daray in dhawaan wafdi heer sare ah uu gaari doono goobaha xiisaddu ka jirto si markaas dadka looga wacyigeliyo dagaalka iyo waxyaabaha ka iman kara.

 

Dhanka kale wasiirka waxaa uu sheegay in ay xiriiro  u socdaan wafdiga dowladda iyo waliba waxgarada Reer Ceel-buur,taasoo soo da’dajin karta in ujeedo mid ah laga qaato khasaaraha dagaal ka iman kara.

 

Dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaannada Maxaas iyo Ceel-buur oo ah dhul ay ku nool yihiin dad xoola dhaqto ah ayaa waxaa ay dhibaatada ugu weyn ee colaada soo cel celineysa tahay reer miyiga labada dhinac oo ah kuwo biyo baad wadaag ah, isla markaana is-dhexmar uu ka dhaxeeyo.

 

Tan kale waxaa xusid mudan in heshiisyada la gaaro ay yihiin kuwo ka dhacay magaalooyinka oo kaliya, taasoo keenta in dadka reer miyigu aaney warba u heynin, halka haddii ay jiraan kuwo warqabana aaney  dan-buuxda ka laheyn heshiiska la gaaray maadaama aan talada markii horeba lagu darsan in iyaga madasha wada hadalka laga qeyb-galyo.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).