14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Maxaabiis laga keenayo Kenya oo maanta Muqdisho ku soo fool leh

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Maanta ayaa lagu wadaa in mar kale garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga soo dejiyo Maxaabiis kale oo Kenya laga keenayo, kuwaasi oo la sheegay in la tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Maxaabiista maanta laga soo dejinayo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo dhowr labaatan ruux lagu sheegay ayaa waxaa ka mid ah sida ay xaqiijinayaan eheladiisa ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo dorraad Maxkamad lagu soo taagay Kenya, isagoo lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah ku galay dalkaas.

 

Waa markii labaad oo maxaabiis Kenya laga keenay laga soo dejiyo garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana dhawaan garoonkaas laga soo dejiyay dhowr iyo soddon maxbuus oo iyana Kenya laga keenay, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka la geeyay kadib markii dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay uga codsatay Dowladda Kenya in ay u soo gacangeliso haddii qabato dad ka tirsanaa Maxkaamdihii Islaamka, iyadoo dowladda Kenyana ay haatan u muuqato mid codsigaasi ka jawaabeysa.

 

Laakin waxaa xusid mudan in Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ay sheegeen in ay cafis yihiin dadkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka, sida maleeshiyooyinkii dagaalamayay oo ay sheegeen in la qalday, inkastoo ay sheegeen in aaney cafiskaas ku jirin mas’uuliyiinta Maxkamadihii Islaamka oo ay ku eedeeyeen in ay dembiyo galeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).