14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Tuulada Biya Cadde oo mar kale uu ka dhacay dagaal ay dad ku dhinteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 27, 2007(HOL): Tuulada Biya Cadde oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa mar kale waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray labo beelood oo halkaasi wada dega, kuwaasi oo iska dilay ilaa 6 ruux.

 

Xiliga uu dagaalku dhacay oo shalay ahayd ayaa waxaa Tuulada Biya Cadde ku sugan Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo odayaal ka soo jeeda labada Beelood ee dagaalamaya, kuwaasi oo ku howlanaa soo af-jaridda dagaal horay u dhexmaray labada dhinac, kaasi oo ay ku dhinteen ilaa 11 ruux.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee Tuuladaas naga soo gaarayna waxay sheegayaan in Imaamka uu mar kale ku guuleystay in uu dagaalkaas joojiyo, isla markaana uu maleeshiyooyinkii labada dhinac kala qaado.

 

Dagaallada ka dhaca meelaha Miyiga ah ayaa inta badan waxay salka ku hayaan dhulal daaqsin ah iyo Ceel ama Waro biyoodyo la isku qabsaday, inkastoo dagaalkan ka dhacay Tuulada Biyo Cadde aan rasmi ahaan la shaacin in uu arrimahaas la xiriiro.

 

Labada Beelood ee Tuuladaas ku dagaalamay oo ah kuwo wada dhashay ayaa dagaal dhexmaray 13-kii bishan waxay ka gaareen heshiis hordhac ah oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in wixii hub ahaa ee la kala qabsaday la isu celiyo, in Beeshii Dagaalka bilowday la ganaaxay 30 Milyan Sh. So ah, iyadoo khasaarihii ka dhashay dagaalkaasna uu soo jeediyay in la iska cafiyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).