Jimco, January 26, 2007(HOL): Xaafadda mac-macaanka Degmada Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa lagu riday madaafiic ka dhaceysay qoriga Hoobiyaha loo yaqaan, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Lama yaqaan meel laga soo ganay Madaafiicdaas, hayeeshee waxay dadka ku dhaqan xaafaddaas sheegeen in ay dhici karto in ay ku soo rideen dad ka soo horjeeda Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay in ay fariisin ka sameystaan halkii ay ku taalay safaaraddii Mareykanka ee Magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhaqan Degmada Madiina ayay madaafiicdaas qal qal iyo cabsi geliyeen, waxayna qaarkood isaga carareen guryahooda kadib markii ay dhowr madfac ku soo dhaceen meelo u dhow.
Maalintii dorraad ahayd ayaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray dhowr madfac oo Hoobiye ah, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen afar ruux oo rayid ah, tiiyoo xiliga madaafiicda lagu tuurayay garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay garoonka taalay Diyaarad keentay Wafdi ka socday UN-ka oo u kuur-gelayay Xaaladda Magaalada Muqdisho kadib maxkamadihii Islaamka.
Waxaa muuqata in ay weli Magaalda Muqdisho ku sugan yihiin taageerayaashii Maxkamadaha Islaamka oo xili kasta sameyn kara falal ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, waayo waxaa dhowr jeer weerarro loo geystay Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Waddooyinka Muqdisho, iyadoo sidoo kale weerar lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, xili uu ku sugnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Dhanka kalena, habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Fagaaraha Tareebuunka nin rayid ah oo kooxo hubeysan ay dilkiisa ka dambeeyeen, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka ninkaas oo indhaha iyo gacmaha ka xirnaa markii la dilayay. Isla todobaadkan gudahiisa ayaa deegaanka Suuqa Xoolaha lagu dilay seddex nin oo ku sheekeysanayay Jardiin ku yaalay xaafaddooda, kuwaasi oo ay dileen Rag hubeysnaa oo watay gaari aan muraayadihiisa wax laga arki karin.
Dhamaan dhacdooyinkan ka dhacaya magaalada Muqdisho oo ah kuwo muujinaya Nabadgelyo darro ayay dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegeysaa in ay wax ka qabaneyso xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ay howlgelineyso Ciidamadeeda Booliska.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online