15 C
London
Monday, October 13, 2025

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan iyo Xubno ka socday Beesha Cayr oo ka wada hadlay Ammaanka Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 26, 2007(HOL): Waxaa maalmahan magaalada Muqdisho kulamo ku lahaa Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Siyaasiyiin, Nabaddoono iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cayr oo ka tirsan Beel-weynta Habargidir.

 

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa ujeedada laga lahaa waxay ahayd sidii ammaanka Magaalada Muqdisho looga dhigi lahaa mid hagaagsan kagadaal qulqulatooyin ay dad ku dhinteen oo maalmihii aynu ka soo gudubnay dhexmarayay Ciidamada Itoobiyaanka iyo maleeshiyooyin Beeleedyo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay saraakiisha Itoobiyaanka isku af-garteen in aaney Ciidamada Itoobiyaanka soo gelin gudaha Magaalada Muqdisho iyo in ay Beesha Cayr ka qeyb ka qaadato sidii loo nabadeyn lahaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Ugaaska wuxuu intaas ku daray in kulamadii ay la qaateen Saraakiisha Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan oo maalmahan socday ay ku soo dhamaadeen jawi is-af-garad leh, iyadoo beeshana ay ballanqaaday in ay intii karaankeeda ah ka qeybqaadato sidii loo xasilin lahaa dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Caasimadda Muqdisho.

 

Intaas kadib Ugaaska wuxuu baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka codsaday ina y nabadgelyada ka shaqeeyaan, “Magaaladan Muqdisho waxay u baahan tahay nabadgelyo, maadaama muddo dhowr iyo toban sano ah oo dagaallo lagu soo jiray xal lagu keeni waayay qas iyo fowdo”ayuu yiri Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka codsada shacabka in loo dhego nuglaado codsiga ay jeedinayaan. Xubnihii Beesha Cayr uga qeybgalay kulankaas waxaa ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur, Dr. Maxamuud Maxamed Culusow, Sade Dhaqane Suudi, Nuur Taqsiin iyo xubno kale.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo Beesha Cayr si gaar ah loogala shiro xaaladda Dalka Soomaaliya, waxaana kulanka ay la yeelatay Saraakiisha Itoobiyaanka ah  ka horeeyay mid ay Magaalada Nairobi kula yeelatay Saraakiil Mareykan ah, kuwaasi oo aan rasmi ahaan la shaacin waxyaabihii ay ka wada hadleen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).