Jimco, January 26, 2007(HOL): Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo gacan siin jiray Maxkamadihii Islaamka oo dhawaan si tahriib ah gudaha ugu galay dalka
Ganacsadahan ayaa loo heystaa in uu dalka Kenya ku galay fiiso la’aan, walow wiilkiisa Cumar Abuukar Cumar Caddaan oo Maxkamadda la tegay uu sheegay in uu isagu Fiiso ku galay Kenya balse Aabihiis uu Kenya u galay si uu nafsaddiisa u badbaadiyo.
Dagaalkii ay ku soo baxeen Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ee horaantii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Galgalato iyo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka bilowday Maleeshiyooyin kala taageerayay Ganacsadayaasha kala ah Abuukar Cumar Caddaan iyo Bashiir Raage Shiiraar oo labaduba ka soo wada jeeda Beesha Warsangeli Harti Abgaal.
Kadib Abuukar Cumar Caddaan waxaa uu noqday nin si weyn uga taakuleeya Maxkamadihii Islaamka dhinaca Maaliyadda, iyadoo wiilkiisana loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda Maxkamadihii Islaamka.
Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la filayaa in mar kale maxkamad la soo taago Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, iyadoo ay dhici karto in ay Maxkamadda ku xukunto in ay dalka Soomaaliya dib ugu celiso.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dhawaan ka codsaday Dowladda Kenya in ay u soo gacan geliso dadkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee ay qabteen Ciidamada Booliska Kenya, iyadoo xiliga uu Ra’iisal Wasaare Geedi hadalkaas jeedinayayna ay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya su’aalo ku weydiinayeen Magaalada Nairobi Guddoomiyihiin Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online