15 C
London
Monday, October 13, 2025

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka codsaday Dalalka Afrika in ay Soomaaliya deg deg Ciidamo u geeyaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 26, 2007(HOL): Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omar Konnare ayaa ugu baaqay Wadamada Midowga Afrika in ay deg deg u geeyaan dalka Soomaaliya ciidamo nabad ilaaliyayaal, isagoo beesha Caalamkana ka codsaday in ay ciidamadaas dhaqaale ku bixiso.

 

Alpha Omar Konnare waxaa uu sheegay in ay ilaa iyo haatan ballanqaadeen in ay Ciidamo u dirayaan dalka Soomaaliya dalalka Uganda, Nigeria, Malawi iyo Ghana, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ciidamadaasi soo food saari karto dhaqaale la’aan haddii aaney beesha caalamka bixinin kharashka ay ku howlgelayaan.

 

Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya loo dirayo ayaa waxay bedeli doonaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo dadka Soomaaliya aysan jecleysaneynin in ay sii dul deganaadaan.

 

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in ay bixineyso qeyb ka mid ah dhaqaalaha ay ku howlgelayaan Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee loogu magacdaray AMISOM, inkastoo Midowga Yurub oo isna horay ballanqaad lacageed u bixiyay uu dhawaan sheegay in uu shuruud ku xiray bixinta lacagtaas, taasi oo ah in marka hore Dowladda Federaalka ay wada hadallo la furto qeybaha kala duwan ee Soomaalida iyo in Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan xilkiisii lagu celiyo.

 

Hadalka ka soo yeeray Midowga Yurub waxaa uu ka careysiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in aaney qaadaneynin shuruudaha uu Midowga Yurub soo hordhigay, wuxuuna Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Diinaari uu sheegay in Midowga Yurub uusan xaq u lahayn in uu farageliyo Dowladda federaalka shuruucda u degsan, isagoo caddeeyay in haddii uu Midowga Yurub sidaas ku sii adkeysto ay Dowladda Federaalka shaqeyn karto Midowga Yurub la’aantiis.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).