15 C
London
Monday, October 13, 2025

Meles Zenawi oo sheegay xiliga ugu dambeeya ee Ciidamada Dalkiisa ka baxayaan Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, January 26, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaara Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa oo burburiyay awooddii Maxkamadaha Islaamka ay uga baxayaan dalka Soomaaliya si dhaqsi ah, isagoo xusay in ciidamada  ugu dambeeya ay ka bixi doonaan Soomaaliya  marka ay bedelaan Ciidamada laga sugayo Midowga Afrika.

 

Meles Zenawi waxaa uu ku faanay in guushii ay Ciidamadiisa ka soo hooyeen dagaalkii ay la galeen Maxkamadihii Islaamka oo aan khasaare ka soo gaarin sida uu yiri shacabka Soomaaliyeed ay taasi banaanka u soo saareyso wax uu ugu yeeray awoodda iyo halyeynimada Ciidamada Difaaca Itoobiya.

 

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu intaas ku daray in si guul leh loo dhameystiri doono ka bixitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya, isagoo caddeeyay inay Ciidamadiisa Soomaaliya ka baxayaan xili ay dowladda Federaalka la wareegeyso talada dalka, isla markaana ay soo celineyso xasiloonidii iyo kala dambeyntii.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa dalka Soomaaliya soo galay kadib markii ay u yeeratay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hanjabaado ay uga imaanayeen Maxkamadihii Islaamka ee awooddoodii la wiiqay, iyadoo ay xusid mudan tahay in mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamka ay Itoobiya ugu goodiyeen in ay Addis Ababa weerari doonaan, taasina ay keentay in ay Itoobiya ciidamo dheeraad ah u soo dirto Soomaaliya, isla markaana ay dhowr jiho ka soo weerarto Maxkamadihii Islaamka.

 

Dad badan ayaa qaba in haddii aaney Maxkamadihii Islaamka hareereyn lahayn Dowladda Federaalka oo Baydhabo deganeyd, isla markaana aysan u hanjabi lahayn Dowladda Itoobiya uu maamulkooda baaqi ku sii ahaan lahaa Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay dadka Soomaaliyeed badankiis abaal uga hayaan Maxkamadihii Islaamka in ay muddo lix bilood ah Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka dhigeen meel ammaan ah oo la isku haleyn karo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).