15 C
London
Monday, October 13, 2025

Dad ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay in ay geysteen falal nabadgelyo darro ah

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 25, 2007(HOL): Xabiibo Cilmi  oo ka mid ah ganacsatada Qaadka iibisa Suuqa Xamarweyne  ayaa sheegtay in ay dhac u geystaan maalin kasta dad ku labisan dharka cagaaran ee  Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo carrabka ku dhufatay in maalihii tegay laga qaadanayay Qaadka tiro badan iyo 8 Taleefoon oo nooca gacanta lagu qaato ah.

 

Xabiibo Cilmi waxay intaas ku dartay in ay rumeysan yihiin in waxa maalin kasta dhaca u geysta ay yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, bacdamaa ay wataan dharkii Dowladda iyo weliba qoryo u gaar ah dowladda, waxayna caddeysay in mar ay la xiriireen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay u sheegeen in ay dacwad soo qortaan, caddeymana la yimaadaan.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Saciid Shiikh Xasan oo arrintaas wax laga weydiiyay ayaa sheegay in aaney soo gaarin wax cabasho ah, wuxuuna caddeeyay in haddii ay cabashadaas soo gaarto ay wax ka qaban doonaan.

 

Dhanka kalena, Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo maalmahan lagu arkayay Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa waxay wadaan howlo burcad sifeyn ah oo ay kula dagaalamayaan Kooxo burcad ah oo dadka dhac u geysta, waxaana howlgallada Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo cabsi weyn ka qaba in ay dib ugu laabtaan xaalad ammaan darro iyo fowdo ah kadib markii ay muddo lix bilood ah nabadgelyo ay suurtageliyeen maxkamadihii Islaamka ay ku soo noolaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).