15 C
London
Monday, October 13, 2025

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo Liibiya ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, January 25, 2007(HOL): Wasiirka arimaha dibada dowlada federalka Soomaaliya .mudane Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray dalka Liibiya, iyadoo halkaasina uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka .

 

Ismaaciil oo aan la kulmay markii uu Liibiya soo gaaray ayaa waxaa uu ii sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay u sii gogol xaarayaan wafdi kale oo uu hoggaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isna booqan doona dalka Liibiya, halkaasi oo uu uga qeybgelayo shir ay leeyihiin Wadamada ku bahoobay SIIN IYO SAAD (Saaxil Wa Saxara). Ismaaciil Buubaa waxaa uu ii sheegay in uu shirkaasi yahay mid wada tashi ah oo looga arinsanayo sida laga yeelayo xaaladaha dalalka Darfur-Suudaan iyo Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayuu sheegay Buubaa in uu ka soo kicitimayo Magaalada Kigali ee dalka Ruwanda, halkaasi oo uu Madaxweynaha kulan kula qaatay madaxweynaha dalkaas Paul Kigame, kaasi oo ay isla soo qaadeen sidii Rwanda uga qeybqaadan karto ciidamada loo dirayo Soomaaliya, iyadoo Rwandana ay tahay Dowlad khibrad u leh maareynta xasaradaha.

 

Mar aan wax ka weydiiyay Ismaaciil Buubaa rajada uu ka qabo in ay Soomaaliya galaan ciidamo ka socda Midowga Afrika ayaa wuxuu sheegay in ay arrintaas rajo weyn ka qabaan, isla markaana dhawaan ay bilaabi doonaan Ciidamadaasi in ay galaan dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo  wafdiga uu hogaaminayo ayaa si toos ah uga degaya magaalada Sirta ee dalka Liibiya, halkaasi oo uu ka dhacayo shirka Wadamada ku bahoobay Ururka Saaxil iyo Saxara, kadib marka uu Madaxweynaha kulankaasi dhameystana waxaa uu u amba bixi doonaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu ka dhici doono Kulan looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan sidii Ciidamo ka socda Midowga Afrika loogu diri lahaa.

 

Saciid Axmed Cali (Saciid Anteeno)

saciidanteno@yahoo.com

Tripoli Libya

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).