15 C
London
Monday, October 13, 2025

Col. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img


Khamiis, January 25, 2007(HOL): Xubno ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka oo uu wehliyo Col. Muqtaar Xuseen Afrax oo ah taliyaha ciidamada xooga dalka ee labada gobalka Shabeelada dhaxe iyo Hiiraan ayaa waxaa s iweyn loogu soo dhaweeyay  Magaalada B/weyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

 

Xubnaha oo uu  hor kacayay wasiirka wasaarada waxbarashad C/raxmaan Cabdi Waare, isla markaana ka soo kicitimay dhinaca Magaalada B/dhabo, ayaa markii ay soo gareen gudaha magaalada waxaa ay meel fagaaro ah kala hadleen dadkii soo dhaweeyay, iyagoo kala hadlay arimo la xiriira siyaasada dowlada federaalka  iyo waliba dhinaca nabad-galyada.

 

Ka hor Qubadihii ay halkaas ka jeediyeen xubnaha labada gole iyo waliba taliyaha ciidamada labada gobal ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe, waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Muxumed Maalin  (Xuseen Ayax ) oo sheegay in  dadka reer Hiiraan ay yihiin dadkii ugu horeeyay ee taageerada u fidiyay dowlada federaalka  markii  lagu soo dhisay Dalka Kenya, waxaana uu  intaas ku daray in  wali  ay u hayaan shacabku taageero buuxda siyaasadda dowladda iyo waliba   habsami u socda howlaha ay hadda ka waddo qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan xarunta Muqdisho oo uu ku tilmaamay in ay tahay  muraayada dalka  isla markaana haddii la hagaajiyo ay hubanti tahay in dalka oo dhan uu hagaagayo.

 

Iintaas kadib waxaa  hadalka qaatay  Wasiirka wasaaradda wax-barashada  C/raxmaan Cabdi  Waare oo ugu horeyn soo gaarsiiyay dadkii dhageysanayay salaan uu ka waday sida uu sheegay saxibadiisa kula jira golaha wasiirada, waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada socdaalka xubnaha uu horkacayo ay tahay kaliya in ay u fisiraan dadka gobolka  siyaasada dowlada iyo waliba marxalada cusub ee la galay,  waxaana uu sheegay in isbadal  weyn uu jiro  marka la eego  sidii markii hore uu xaalku ahaa,  gaar  ahaa isagoo ku booriyay shacabka gobalka in ay  ogaadaan  wixii hada ka danbeeya dalku dowlad leeyahay  loona baahan yahay in si weyn loola shaqeeyo. Wasiirku waxaa uu intaas raaciyay in waqtiga oo cariiri ku ah aawgii  mar kale ay si weyn uga hadli doonaan siyaasada dowlada oo faah faahasan, iyo waliba sida looga qeyb-qaadan karo  isbadalka dhacay, 

 

Col. Muqtaar xuseen Afrax oo ah Taliyaha ciidamada Labada Gobal ee shabeelada dhaxe iyo hiiraan oo si weyn loo sugayay hadlka uu halkaa ka jiidinayo ayaa ku soo koobay qudbadiisa dhinaca nabad-galyada oo kaliya, isagoo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin  jiritaanka kooxo wixii ay doonaan iska sameeya loona baahan yahay in shacabka laftirkiisu amaanka qeyb ka qaato, 

 

Col. Muqtaar waxaa uu intaas ku daray in ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Hiiraan wixii xiligan ka dambeeya ay il foojigan ku eegi doonaan wax kasta oo wax u dhimi kara nabad-galyada guud,  maadaama ayuu yiri  dalku hadda uu ku jiro  xaalad deg deg ah.

 

Laakiin Col. Muqtaar sooma uusan hadal qaadin  wax yaabihii uu la kulmay intii ay hayeen Ciidamada Dowlada Itoobiya oo la ogyahay in ay ka kaxeysteen  gudaha magaalada Beledweyne xili ay isku maan dhaafeen soo gacan galinta gudoomiyihii maxkamadii islaamiga ee gobalka Hiiraan shiikh Faarax Maclin  max’uud, taasoo keentay in mudo ka badan sadex todobaad uu ka maqnaado gudaha gobalka Hiiraan.

 

Xubnaha soo gaaray magaalada Beledweyne  ee ka tirsan labada gole ee dowlada federaalka ayaa ku soo beegamay xili meesha laga saaray  maxkamaddii Islaamiga gobalka, waxaana xusid mudan in  marka la eego shacabku yahay mid mar walba u ooman  in ay helaan  nidaam dowladeed oo shaqeynaya, taasoo laga garan karo sida ay ugu soo baxeen soo dhaweynta xubnaha ka tirsan dowlada federaalka, waxaana xildhibaanada soo gaaray gobalka ka mid ahaa  Xildhibaan Axmed Cumar  Gaa-gaale iyo waliba Xidhibaan Cali Jeyte Cusmaan.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).