Arbaco,
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu sheegay in sababta uu Xildhibaanada ugu yeerayo ay tahay in ay Baarlamaanka hor yaaliin howlo fara badan oo ay ku jirto doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhici doonta 29-ka bishan.
Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku adkeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ku tagaan Magaalada Baydhabo mudada loo qabtay, si ay uga qeybqaataan doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka iyo shirar kale oo looga hadlayo xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Ibraahim Aadan Xasan Kiish-buurr, Shiikh Nuur Cali Aadan, Avv. Axmed Ibraahim, Maxamuud Cabdi Xuseen Bekoos, Shiikh Aadan Mader iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa daneynaya in loo doorto Jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka oo uu dhawaan ka qaaday Baalamaanka Soomaaliya Guddoomiyihii hore Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Midowga Yurub, kaasi oo ahaa in Baarlamaanka Soomaaliya uu xilkiisii u soo celiyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna Cusmaan Cilmi Boqorre ku tilmaamay hadalka Midowga Yurub mid aan la aqbali karin, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay leedahay shuruuc u degsan oo ay ku dhaqanto, sida ay dalalka Midowga Yurub iyaguba shuruuc u leeyihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online