16 C
London
Monday, October 13, 2025

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeeyay Koofurta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 24, 2007(HOL): Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa mar kale waxay duqeeyeen Deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tuhunsan yihiin in ay ku sugan yihiin xubno ay u heystaan in ay ka dambeeyeen qaraxyo sanadkii 1998-kii loo geystay safaarado uu Mareykanku ku lahaa dalalka Kenya iyo Tanzania.

 

Warkan uu shaaciyay Wargeyska Washington Post ayaa wuxuu intaas ku darayaa in diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ee AC130 ay duqeeyeen deegaano ku yaala koofurta Soomaaliya oo la tuhunsan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan xubno argagixiso ah, inkastoo uusan wargeysku sheegin wax khasaare ah oo duqeyntaas ka dhashay.

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka oo wax laga weydiiyay duqeynta uu Mareykanka markii labaad ka geystay Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in uu wax faah faahin ah bixiyo.

 

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ayaa labo todobaad ka hor waxay duqeeyeen deegaano ku yaala Koofurta Soomaaliya, halkaasi oo la sheegay in ay khasaare ugu geysteen dad xoolo dhaqato ah oo aan waxba galabsan. Diyaaradaha Mareykanka ayaa halkaasi duqeeyay kadib markii ay gaareen Xoogaggii Maxkamadihii Islaamka oo ay Ciidamada Itoobiya ka saareen inta badan deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).