Talaado,
Xaflad lagu sagootinayay Ciidamadan oo lagu qabtay Xeradii Ciidamada Cirka ee Afisyooni ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde), Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Dowladda Federaalka.
Xuseen Maxamed Caydiid oo ka hadlay munaasabadda lagu sagootinayay Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay maanta Magaalada Muqdisho ka amba baxeen qeybtii ugu horeysay ee Ciidamada Itoobiyaanka, wuxuuna caddeeyay in qeybaha kale ee Ciidamada Itoobiya bixitaankooda ay iyana sheegi doonaan xilliga ay baxayaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta labada Dowladood.
Xuseen Caydiid waxaa uu amaanay Ciidamada Dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay jebiyeen derbi kala xanibayay xiriirka labada dal, wuxuuna ka rajeeyay Ciidamadii baxayay in marka ay dalkooda dib ugu laabtaan ay noqdaan safiirro ka shaqeeya sidii labada shacab wanaag looga dhex dhalin lahaa.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Jen. Syoum oo ah Taliyaha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dhameysteen howlgalkii ay Soomaaliya u yimaadeen, haatanna ay dib ugu noqonayaan dalkooda, isagoo caddeeyay in ay aad ugu faraxsan yahay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya haatan ka howlgeleyso Caasimadda Muqdisho.
Ka bixitaanta Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen, iyadoo ka sii horna uu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka dhaqsi uga baxaaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kalena ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo aaney weli dalka Soomaaliya soo gaarin Ciidamo ay ballan qaadeen Dalal ka tirsan Midowga Afrika, inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid uu sheegay in ay muddo hal todobaad gudahood ah ay Ciidamo ka socda Midowga Afrika ku soo gaarayaan Soomaaliya.
Sidoo kalena waxaa xerada Afisyooni Maanta la isugu geeyay Hubkii ay Dowladda Federaalka ka wareejisay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Hoggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), iyadoo hubkaasina si rasmi ah loogu wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online