16 C
London
Monday, October 13, 2025

Midowga Yurub oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay la hadasho cid kasta oo ka soo horjeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 23, 2007(HOL): Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Beljim waxay ku sheegeen in ay u muuqato fursad xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wada hadallo la gasho qeybaha Soomaalida, haddii ay ahaan lahaayeen Kaabo Qabiillada, Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha Islaamka, Ganacsatada, Bulshada Rayidka iyo Haweenka.

 

Shirka  ay isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub oo uu shir guddoominayay Mr. Frank-Walter Steinmeier ayaa lagu sheegay in haddii ay Dowladda Federaalka wada hadalladaas furto ay meeshaas ka soo bixi doonto dowlad la iska wada dhex arko.

 

Wasiirradu waxay ka wada hadleen xaaladda dib u heshiisiineed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka, gaar ahaana xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo xilkaas laga qaaday iyadoo uu Dalka Soomaaliya ku jiro xaalad deg deg ah.

 

Go’aankaas uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya wasiirradu wey cambaareyeen, waxayna Shariif Xasan Shiikh Aadan ku tilmaameen nin awood u leh in uu dhexdhexaadiyo Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Federaalka, isagoo heshiisyo dib u heshiisiineed oo madax banaan-na la saxiixday Maxkamadihii Islaamka, Xili uu ku booqday Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda  Midowga Yurub waxay soo dhaweeyeen dadaallada uu Midowga Afrika wado ee la doonayo Ciidamo loogu diro Dalka Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan, inkastoo ay bixinta 19 Milyan oo Doollar oo joogitaanka Ciidamadaas lagu bixin lahaa ay ku xireen shuruud ah in ay marka hore dowladda Federaalka Soomaaliya oo Ciidamadaas ay caawinayaan ay wada hadallo furto qeybaha kala duwan ee Soomaalida.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraann Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).