15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Midowga Afrika oo ka doodaya Ciidamo u dirista Soomaaliya iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulankaasi ka qeybgelaya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 23, 2007(HOL):  Midowga Afrika ayaa maanta wuxuu ka shirayaa sidii ciidamo nabad ilaaliyayaal ah oo Afrika ka socda deg deg loogu geyn lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo shirkanna uu ka qeybgelayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay gaaray Magaalada Addis Ababa.

 

Kulankan oo ay ka qeybgelayaan Saraakiil  ka socota Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa waxaa lagu dardargelinayaa ciidamo ay dalalka Midowga Afrika qaarkood sheegeen in ay u dirayaan Dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu kulanka ka qeybgelayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Francois Lonseny Fall.

 

Haddaba Ciidamada ay dalalka Midowga Afrika u dirayaan Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan dhaqaale loo heynin, Mareykanka iyo Midowga Yurub oo ballanqaaday in ay dhaqaalahaas bixinayaana waxay bixinta dhaqaalahaas ku xireen shuruud ah in ay Dowladda Federaalka wada hadallo la furto Mas’uuliyiinta Qunyar socodka ah ee Maxkamadihii Islaamka iyo Dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida.

 

Waqtigu waa uu is-gurayaa dowladda Federaalkana waxay u baahan tahay ciidamo ka socda Midowga Afrika oo Soomaaliya gaara ka hor inta aysan ciidamada Itoobiya ka bixin dalka Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan caddeysay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya Dowladda Uganda.

 

Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo diblumaasiyiin kula kulmay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa ka hadlay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Itoobiya garab istaagtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waqti ay beesha Caalamka dhabarka u sii jeedisay, isla markaana ay awood u siisay in ay gacanta ku dhigto Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraann Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).