15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, January 22, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Syoum Mosfen oo maanta gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Villa Somalia Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Waxyaabaha ay labada mas’uul isla soo qaadeen ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen qorshaha amni sugidda dalka Soomaaliya, sidii ciidamo ka socda Midowga Afrika ay u bedeli karaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena uu Syoum Mosfen gaarsiiyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed farriin uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi.

 

Faah faahin dheeri ah lagama bixin waxyaabaha kale ee ay ka wada hadleen labada mas’uul, inkastoo cid kasta ay iska dareemi karto waxyaabaha ay ka wada hadli karaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladda Itoobiya.

 

Socdaalka uu maanta ku tegay Magaalada Muqdisho Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maanta ay magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Suuqa Xoolaha ay ku dagaalameen Maleeshiyooyin Soomaali ah iyo weliba Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ilaa saakay halkaas howlgal nabad sugid ah ka waday, iyadoo is-rasaaseynta labada dhinacna ay ku geeriyoodeen ilaa shan ruux oo dad aan waxba galabsan ah.

 

Maalintii Sabtida ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayay sidoo kale deegaanka Suuqa Xoolaha Ciidamada Itoobiya ku dileen afar Ruux  kadib markii ay rasaas xooggan ku fureen jiho uu ka xigay nin qori ku hubeysnaa oo rasaas ku riday. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer waxaa lala beegsaday qaraxyo ay fuliyeen kooxo aan la aqoonsan oo aad isu soo qariyay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).