Isniin, January 22, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Magaalada Muqdisho kula sugan ayaa saakay waxay howlgallo hub uruurin ah ka fuliyeen xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, iyadoo intii ay howlgalkaas wadeena ay labo nin ka kaxeysteen halkaas.
Xaafadda Suuqa Xoolaha oo ay sidoo kale ka howlgaleen Ciidamadan ayaa intii ay Howlgalka ku jireen waxay la kulmeen tacshiirad ay kala kulmeen dad halkaas ku sugan oo hubeysnaa, iyagoo tacshiiraddaasna uga jawaabeen rasaas ay dad ku dhaawacmeen. Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa maalintii dorraad ahayd lagu tacshiiradeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay, iyadoo rasaas ay fureen ciidamada Itoobiyaankana ay ku dhinteen ilaa afar ruux oo rayid ahaa.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa horay waxay uga howlgaleen Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo WadaJir iyo weliba xaafado hoos yimaada Degmooyinka Yaaqshiid,Kaaraan iyo Huriwaa, iyadoo halkaasina ay ku soo qabteen kooxo burcad ah iyo weliba hub noocyo kala duwan leh, hayeeshee waxaa muuqaneysa in haatan ay dadku bilaabayaan in ay ka hor tagaan howlgallada ay fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Howlgallada ay sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo ay habeenno sii horeeyay Magaalada Muqdisho ka dhacayeen Qaraxyo iyo weerarro lala beegsaday xarumo ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo fariisimo ay joogaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online