Axad, January 21, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa u gacan gelisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ilaa 30 ruux oo looga shakisan yahay in ay xiriir la lahaayeen maxkamadihii Islaamka ee bishii aynu ka soo gudubnay lagala wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaalaKoofurta iyo Bartmaha Soomaaliya.
30ka ruux ee loo gacan geliyay Dowladda Federaalka ayay Ciidamada
Haddaba Faarax Macallin oo ka tirsan mas’uuliyiinta mucaaridka ku ah Dowladda
Faarax Macallin waxaa uu wel wel ka muujiyay raggaas loo heysto in ay xiriir la lahaayeen Maxkamadihii Islaamka in marka la geeyo dalka Soomaaliya la dilo, wuxuuna haddii ay taasi dhacdo uu ku eedeeyay Dowladda Kenya in ay ku xadgudubtay sharciga Caalamka u degsan ee lagula macaamilo Maxaabiista.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intii ay socdeen dagaalladii ka socday Gobolka Bay ee u dhaxeeyay Xoogaggii Maxkamadihii Islaamka iyo Ciidamada Dowladda federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah waxay ka codsatay dowladda Kenya in ay xadkeeda xirato si aysan ugu gelin dalkeeda dad ka tirsan maxkamadihii Islaamka, isla markaana haddii ay dadkaas qabato ay u soo gacan geliso, waxaana muuqata in Kenya ay haatan labadaas codsiba fulisay, walow aan caddeyn rasmi ah loo heynin in dadka maxaabiista ah ee loo soo gacan geliyay dowladda Federaalka ay yihiin dadkii ay dooneysay ee saxda ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online