13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Uganda oo sheegtay in ay labo todobaad gudahood ay Ciidamo u direyso Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, January 21, 2007(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay muddo labo Todobaad gudahood ah ay ciidamo u direyso soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Ciidamo uu Midowga Afrika u dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ku gacan siin doona in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguto Moseveni ayaa magacaabay Taliyaha Ciidamada ay Uganda u direyso Dalka Soomaaliya, waxaana taliyahaas loo magacaabay Levi Karuhanga oo haatan ku soo dhameystay magaalada Beijing ee dalka China tababar dhinaca Difaaca ah, isagoo  horayna dalka Liberia sanadkii 1994-kii uga soo qeybqaatay howlgal nabad ilaalin ah oo guul ku soo dhamaaday.

 

Afhayeen u hadlay Ciidamada Mileteriga Uganda oo lagu magacaabo Felix Kulayigye ayaa sheegay in taliyaha loo magacaabay Ciidamada Uganda ee ka howlgelaya Soomaaliya uu yahay nin khibrad u leh howlgallada Nabad ilaalinta, isagoo weliba caddeeyay in uu waayo aragnimo u leeyahay xasilinta dalalka ay xasaradaha ka jiraan.

 

Baarlamaanka Uganda ayaa isku raacay in Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan ciidamo ka socda Midowga Afrika oo Soomaaliya u imaan doona in ay ka fuliyaan howlgallo nabad soo celin ah, inkastoo haatan aan la heynin dal kale oo Midowga Afrika ka tirsan oo sheegaya in uu diyaariyay Ciidamo u dirayo Soomaaliya.

 

Maalintii Shalay ahayd ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu furay Rasaas kadibna rasaas ay ku jawaabeen ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar ruux oo ahaa dad rayid ah, iyadoo taasina ay muujineyso in aan Magaalada Muqdisho laga jecleyn ciidamo shisheeye, haba loogu sii necbaadee kuwa Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).