13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo u dhoofay Dalka Suudaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 20, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta u amba baxay Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaadan doono mas’uuliyiinta dalkaas.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed Diinaari oo saxaafadda uga warbixinayay socdaalka Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha ku tegayo dalka  Suudaan casuumaad uu ka helay Madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Khartoum waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Suudaan, kuwaasi oo ay ka wada arinsan doonaan sida loo hagaajin karo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada tirsan Urur Goboleedka IGAD.

 

C/raxmaan Diinaari waxaa uu beeniyay warar ku saabsan in Ra’iisal Wasaaraha uu Magaalada Khartoum kulan kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadihii Islaamka oo la sheegay in ay joogaan Dalka Yemen, wuxuuna carrabka ku dhuftay Diinaari in aysan wararkaasi waxba ka jirin, Ra’iisal wasaaruhuna uu kaliya la kulmi doono madaxda Dalka Suudaan.

 

Dowladda Suudaan ayaa ilaa seddex jeer waxaa ay kulamo u qabatay Maxkamadihii Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay xal uga gaaraan khilaaf u dhaxeeyay, inkastoo wada hadalladaasi ay socon waayeen kadib markii ay labada dhinac shuruudo ad-adag isku xireen.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Geedi oo haatan ku sii jeeda Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa horay eedeyn ugu jeediyay Dowladda Suudaan, isagoo sheegay in aaney Mas’uuliyiinta Dalka Suudaan dhexdhexaad ka ahayn Arrimaha Dalka Soomaaliya. Sidoo kalena wuxuu Prof. Geedi dhawaan laalay in ay jiri karaan wada hadallo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna dalal caalamka ka tirsan oo arrinaas u ololeynaya uu ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).