13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Midowga Afrika oo isku raacay in uu Ciidamo u diro Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, January 20, 2007(HOL): Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa isku raacay in ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro dalka Soomaaliya, si ay u bedelaan Ciidamada Dowladda Itoobiya oo iyagu ka saaray inta badan deegaanadii ay dalka Soomaaliya kaga sugnaayeen Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka.

 

Ciidamada uu Midowga Afrika u dirayo Soomaaliya oo ku dhow ilaa 8000 oo Askari ayaa muddo lix bilood ah waxay ka howlgeli doonaan dalka Soomaaliya, iyadoo kadibna lagu bedeli doono Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

 

Ilaa 8 Wadan oo Afrikaan ah ayay Ciidamadan ka kala imaanayaan, kuwaasi oo aan magacyadooda la shaacinin, iyadoo ay xusid mudan tahay in ilaa iyo haatan ay Dowladda Uganda kaliya caddeysay in ay Ciidamo u direyso Soomaaliya.

 

Safiirka Dowladda Federaalka u fadhiya Magaalada Addis Ababa C/kariin Faarax Laqanyo oo ka qeybgalay kulankii uu Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika uu ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in haatan ay Wadamada Afrika wadaan la tashiyo ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagala tashanayo halka wax lagala bilaabayo.

 

Go’aankan uu gaaray Midowga Afrika ayaa wuxuu soo baxay kadib markii ay Dowladda Itoobiya oo Ciidamo ay ka joogaan Dalka Soomaaliya ay sheegtay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya si dhaqsi ah, iyadoo Itoobiya ay Ciidamadeeda geysay dalka Soomaaliya bishii December ee aynu ka soo gudubnay kadib markii ay sidaasi ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).