Sabti, January 20, 2007(HOL): Daqiiqado ka hor ayaa Dagaal muddo gaaban socday waxaa uu deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ku dhex maray Maleeshiyooyin aan heybtooda la garaneynin oo markii dambe baxsaday iyo ciidamo la sheegay in ay Itoobiyaan yihiin oo ka yimid dhinaca Deegaanka Darmooley oo Waqooyi kaga toosan Suuqa Xoolaha.
Sababta dhalisay Dagaalkaas ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii rag hubeysan oo ku sugnaa Deegaanka Suuqa Xoolaha ay rasaas ku fureen Ciidamada Itoobiyaanka, kuwaasi iyagana ku jawaabay rasaas xooggan oo magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga maqlayay.
Rasaasta ay fureen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 ruux, halka ay dad kale oo intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen, iyadoo ay sidoo kalena ay Taangiyadii Itoobiyaanka ay burburiyeen Gaari TOYOTA Hilux ah oo yaalay halka shaqaaqada ka dhacday, kaasi oo uu lahaa nin sheegtay in uu ugu xamaali jiray seddex xaas iyo caruur uu dhalay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaad mooddaa in ay soo food saarayaan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo uga imaanaya kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan, kuwaasi oo marba deegaan ku weerara.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online