13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dadka Magaalada Kismaayo oo Banaanbax ku soo dhaweeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, January 02, 2007(HOL): Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay sameeyeen dadka magaaladaas, kaasi oo lagu soo dhaweynayay la wareegitaanka Magaalada Kismaayo ee Ciidamada Itoobiyaanka iyo Soomaalida isugu jira.

 

Dadka banaanbaxayay ayaa wejiyadooda laga dareemayay sida ay ugu faraxsan yihiin in uu ka tago xukunkii Maxkamadaha, isla markaana ay u taliso Dowladda Federaalka, waxayna dadka Balwadda leh shalay iyo maanta si waalan u cunayaan, una cabayaan Qaadka iyo Sigaarka, halka kooxihii Muusikadda oo aroosyada in ay ka tumaan laga xanibayna ay iyaguna dib qalabkooda u rakibteen.

 

Banaanbaxa oo ka dhacay Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaalada Kismaayo waxaa dadkii isugu soo baxay la hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo sheegay in Dadka Jubbooyinka guud ahaan, gaar ahaana kuwa Kismaayo looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii sharcigii iyo kala dambeyntii loo soo celin lahaa, isagoo dadkana ugu baaqay in ay iska cafiyaan wixii dhexmaray sida uu hadalka u dhigay mudadii ay maxkamadaha Islaamka xoriyad-ka-qaadka ku hayeen.

 

Col. Barre Hiiraale oo ugu baaqay dadka Kismaayo in ay hub ka dhigis u diyaargaroobaan, isla markaana ay hubkooda geeyaan Xero laga sameeyay Warshaddii Hilibka ee Magaalada Kismaayo ayaa dhanka kale waxaa uu cafis u fidiyay dadkii Maxkamadaha Islaamka gacanta ku siiyay in ay Magaalada Kismaayo qabsadaan, kadibna la shaqeeyay, wuxuuna caddeeyay in aan loo raacan doonin dadkaas ka mid ahaanshahoodii Maxkamadaha Islaamka.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in laga gudbay xiligii Isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee Dooxada Jubba, wuxuuna sheegay in loo gudbay heer Qaran, sidaas darteedna dadkii ka tirsanaa Isbaheysigaas iyo taageerayaashoodaba looga baahan yahay in ay dowladda la shaqeeyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).