10 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo shaaca ka qaaday in ay Xayiraaddii Hawada ka qaadeen Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, January 02, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen wixii ka dhaqangalay amar hub uruurin ah oo uu shalay ku dhawaaqay, Dowladda Federaalka oo xayiraaddii dhinaca hawada qaaday, xaaladda magaalada Kismaayo, maamul u sameynta gobollada iyo arrimo kale.

 

Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay maanta bilaabatay hub uruurintii, isla markaana ay dadku bilaabeen in ay hubkooda geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekedda hore ee Muqdisho, wuxuuna ku daray intaas Ra’iisal Wasaaraha in hubka marka labadaas goobood la geeyo la isugu geyn doono mar kale Xerada Deyniile oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Saraakiil hubka u xil saaran.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay in xayiraaddii dhinaca hawada laga qaaday Soomaaliya, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay in ay howlahooda duulimaadyada sii wadan karaan, isagoo caddeeyay in sababta ay dowladda xayiraadda u qaaday ay tahay iyadoo tixgelineyso baahi  dadka Soomaaliyeed ka heysata dhinaca socdaalka.

 

Laakin xayiradda dhinaca Hawada ah ee la qaaday Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay shuruud ku xiran tahay, taasi oo ah in ay Shirkadaha Duulimaadyada Dowladda soo weydiistaan ogolaasho socdaal inta aysan diyaaradahooda dhaqdhaqaaq bilaabin, “Shirkaddii fasax la’aan socdaal ku bilowda wixii dhibaato ah ee soo gaara iyada ayaa ka mas’uul ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo caddeeyay in Shirkadaha Diyaaradaha ay la xiriiri karaan Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka. Sidoo kalena wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in ay duulimaadyada u socda ay ku wargeliyaan Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

  

Wuxuu intaas ku sii daray in ay maanta Shirkadaha Diyaaradaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines ay ka soo degeen Garoonka Balli-Doogle, berri wixii ka dambeeyana ay Duulimaadyada si toos ah uga soo degi doonaan Magaalada Muqdisho, isagoo ka gaabsaday in uu sheego haddii ay jiraan mas’uuliyiin ay Garoonka Diyaaradaha u magacaabeen.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay xaaladda Magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in magaaladaas ay degan tahay, isla markaana ay dowladda gacanta ku heyso, isagoo carrabka ku dhuftay in xubnihii maxkamadaha Islaamka ee halkaas horay u sii joogay ay haatan ku sugan yihiin xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa uu sheegay in ay dhamaatay sheekadii ahayd dagaalyahanno Ajnabi ah Soomaaliya ma joogaan, wuxuuna caddeeyay in haatan ay soo gaarayaan warar sheegaya in Booliska Kenya ay qabteen Rag Ajnabi ah oo dhinaca Soomaaliya ka gelay Dalka Kenya, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda Federaalka arrintaas mar kale faah faahin doonto.

 

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay wararka sheegaya in ay Dowladda Federaalka dib u soo nooleyneyso Hoggaamiye Kooxeedyadii hore, wuxuuna caddeeyay Ra’iisal Wasaaraha in aysan wararkaasi waxba ka jirin, isla markaana uusan banaaneyn kaalinkii Hoggaamiye Kooxeedyada, sidaas darteedna ay dadku ku qancaan in dowladdu u ogoshahay Hoggaamiyayaasha in ay dadkooda cafis weydiistaan, isla markaana ay si nabadgelyo ah u dhex joogaan.

 

Goorta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan ayuu ka hadlay Ra’iisal Wasaare Geedi, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay taasi ku xiran tahay sida nabadda loo sugo, isla markaana ay Dowladda Federaalka ugu filnaaneyso sugidda ammaanka, mudadaasna wuxuu ku sheegay in ay yaraan karto oo ay noqon karto asbuucyo ama wax aan bil ka badneyn, isagoo dhinaca kalena xaqiijiyay in ay jiraan wada hadallo u socda Wadamada IGAD iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo ku saabsan sidii Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah loo geyn lahaa Dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu ka hadlay maamul u sameynta Gobollada Dalka iyo sida laga yeelayo haddii laga hor yimaado maamullada ay Gobollada u magacaabaan, wuxuuna si cad u sheegay in tallaabo sharci ah ay dowladdu ka qaadi doonto ciddii ka hor timaada maamullada ay dowladda Gobollada u magacaabeyso.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).