Talaado, January 02, 2007(HOL): Booliska Dalka Kenya ayaa su’aalo weydiinaya rag la sheegay in ay Ereteriyaan yihiin, kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay gacan siinayeen Maxkamadihii Islaamka ee laga faro maroojiyay gacan ku heynta deegaano badan oo Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaala.
Ragga ay Booliska
Qabashada raggan looga shakisan yahay in ay gacan siinayeen Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay ku soo beegmeysaa kadib markii Xoogaggii Maxkamadaha Islaamka ay isaga baxeen gobollada Jubbooyinka oo ahaa halkii ugu dambeeyay oo ay ku xooganaayeen.
Haddii ay dhabowdo in ay raggan la qabtay gacan siinayeen Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu banaanka u soo saarayaa tuhunkii ahaa in Dowladaha Eretereya iyo Itoobiya ay colaadda u dhaxeyso u xawileen dalka Soomaaliya, bacdamaa ay Dowladda Itoobiya iyadana gacan siineyso Dowladda Federaalka.
Warbixin uu UN-ka soo saaray dabayaaqada sanadkii hore ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladaha Itoobiya iyo Eretereya ay ciidamo iyo hub ku kala taageerayeen Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa waxay u muuqataa mid ka jawaabtay codsi ay dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay, kaasi oo ahaa in ay xuduudkeeda xirato, isla markaana ay qabqabato mas’uuliyiintii iyo xoogaggii Maxkamadaha Islaamka, una soo gacan geliso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online