Jimco, January 19, 2007(HOL): Qaraxyo is-daba joog ah oo qaarkood dhawaqooda laga maqlayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa lala beegsaday Xarunta Villa Soomaaliya oo haatan uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Markii qaraxyadu dhaceen kadib ayaa hadana waxaa dhacay rasaas xooggan oo ay dabcan is-weydaarsadeen Ciidamada Dowladda Federaalka ee ilaalada ka ah Xarunta Villa Somalia iyo Kooxihii hubeysnaa ee weerarka qaaday.
Lama oga ilaa iyo haatan cid wax ku noqotay weerarka lala beegsaday Xarunta Villa Somalia oo la sheegay in gudaheeda ay kooxda weerarka geysatay ay madaafiic ku tuureen. Ciidamada dowladda Federaalka ee ilaalada ka ah Xarunta Madaxtooyada ayaa markii uu weerarka dhacay kadib waxay u soo banaanka, si ay u sii adkeeyaan ammaanka Villa Somalia iyo nawaaxigeeda.
Dad degan agagaarka Villa Somalia ayaa waxay sheegeen in ay arkeen markii uu istaagay weerarka labo gaari oo Mini Bus ah oo ay kooxo dabley ah ka buuxaan, kuwaasi oo ay u qaateen in ay ahaayeen kooxihii weerarka ku qaaday Xarunta madaxtooyada.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilaabatay in habeennadii weerarro gaadmo ah lagu qaado goobaha ay ku sugan yihiin mas’uuliiinta iyo ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax la taaban karo oo ay dowladda ka qabatay falalkaas lagu qal qalgelinayo ammaanka bacdamaa habeen kasta qarax looga nixinayo dad guryahooda iska hurda oo aan waxba galabsan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha Weerarka lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya haddii uu Alle idmo kala soco Hiiraan Online
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia